Barnaamijka Integration ee ay daadihiso gabadha caanka ah ee lagu magacaabo Hodan Nalayeh ayaa qeybtii 20-aad waxaa lagu marti qaaday Shiikh Saeed Raage oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada.
Shiikh Saeed Rageah ayaa ka codsaday gabadhaan inay xijaabato, wayna ka aqbashay arrinkaas inta waraysigu socdo inkastoo xijaab sax ah aysan xiran oo timaheeda qeyb ka mid ah loo jeedo balse sidii hore way dhaantay.

Hodan Nalayeh waa gabar Soomaaliyeed, balse aalaaba ku hadasha luuqada Ingriiska inta badanna u labisata sida hablaha reer galbeedka, Waxayna horay uga qeyb gashay barnaamijyada: “American Idol” iyo “So You Think You Can Dance” Waayadii dambe waxay daadihinaysay barnaamijka la magac baxay Integration.
Sida ay sheegtay Hodan barnaamijka Integration waxa uu xoogga saraa sidii la isugu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha. Barnaamijkaan qeybihiisa dambe waxaad ku daawan doontaan fanaanka Aar Maanta.
HALKAN KA DAAWO VIDEO CAJIIB AH
Source:
http://ift.tt/1uyaman